Dad ku dhintay qarax miino deegaanka Lamu

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kenya waxaa mudaba ka dhacay weeraro argaxiso

Shan qof oo labo ay yihiin booliis saddexna dad shacab ah ayaa ku dhintay meel u dhaw dhul xeebeedka Lamu, kaddib markii miino dhulka lagu aasay ay la kacday gaari ay saarnaayeen.

Taliyaha ciidamada Garissa ayaa xaqiijiyay dhacdadan, isagoo sheegay in labada sarkaal ay kusii socdeen magaaladda Hindi, halkaasi oo ay kasoo adeeganayeen markii ay la kacday miinadu.

Wariyaha BBC ee magaalada Garisa oo la hadlay dadka degan meesha miinadu kula qaraxday gaariga ayaa sheegaya in qaraxu uu si aad ah u waxyeeleeyay oo lagu aasay dhulka.

Baaritaan hordhac ah oo booliisku sameeyay ayaa looga shakinayaa in ay Alshabaab ka dambeeyeen weerarka.

Bishii lasoo dhaafay xubno ka tirsan kooxda Shabaab ayaa isku dayay in ay weerar ku qaadaan saldhig military halkaasi ku yaala. 11 ka mid ah dagaalyahanadii weerarka soo qaaday ayaa lagu dilay waxaana ka mid ahaa nin u dhashay Britain Thomas Evans.