Malala oo u dabaaldegtay inay "qangaartay"

Malala
Image caption Malala Yousufzai oo haatan sheegay inay gaartay da'da qangaarka ee 18

Malala Yousufzai, oo ah qofka ugu d'ada yar ee ku guulaystay abaalmarinta Nobole Peace ayaa u daabldagtay 18 sano guuradii ka soo wareegtay dhalashadeeda.

Waxay furtay iskuul ay ugu talagashay qaxootiga syria.

Waxay caan ku nqootay dadaalka ay ugu jirto waxbasrahda gabdhaha kadib markii ay ka badbaaday weerar ay taalibaanka ku qadaeen

Malala waxa ay doorbiday in qaangaarnimadeeda ay ku billawdo furitaanka iskuulkii ugu horreeyay ee uu maalgaliyo sanduuq magaceeda ku diwanagashan.

Waxay ku eedaysay waddamada gobolka in ay ku guul daraysteen in ay wax ka qabtaan xaaladda qaxootiga Suuriya.

Ololaheeda waxa uu hadda ku qotamaa sidii ay hogaamiyaasha dunida ugu qancin lahayd inay maalgaliyaan waxbarashada badalkii hubka.