Desmond Tutu oo isbitaalka la dhigay

Lahaanshaha sawirka

Baadariga Emeritus Desmond Tutu ayaa xalay la dhigay isbitaalka si looga daweeyo xanuun aan la shaacin waxa uu yahay.

Caabuqyo dhowr ah ayaa horay ugu dhacay oo loo dhigay isbitaal dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Nomsa Maseko ayaa warbixintan ka soo dirtay magaalada Johannesburg.

83-jirka loo yaqaanno the Arch ama taaladda ayaa laga dawaynayaa wax ay gabadhiisu ku tilmaantay caabuq soo noqnoqday. Waxaana uu ku jiraa isbitaal ku yaalla magaalada Cape Town.

Waxaa qoyskiisu uu rajaynayaa in dhowaan uu ka soo baxoisbitaalka.

Desmond Tutu, ayaa muddo toban sano ka badan waxaa hayay cudurka kaankarada ku dhaca unugga taranka.

Tutu, oo helay biladda nabadda ayaa baajiyay qorshe uu ku tagi lahaa Rome bishii December kadib caabuq kale.

Isbitaalka la dhigay ayaa yimid maalmo kadib markii uu cusboonaysiiyay cahdiga guurka xaaskiisa Leah Tutu si ay ugu dabaaldegaan xuska sanadguuraha lixdanaad ee arooskooda.

Bishii May ee sanadkan, ayaa Desmond Tutu iyo xaaskiisa ay dacwad dambiilenimo ku soo oogeen gabar ay dhashay mid ka mid ah caruurtooda. Waxaa lagu eedeeyay in ay jajabisay suxuun iyo alaab dhoobo laga sameeyay mar muran uu dhex maray ayeydeed.