Wadahadalada nukliyeerka Iran oo gabagabo maraya

Image caption Warbaahinta ayaa lagu wargaliyay in ay diyaar garoobaan

Wadaxaajoodka ku aadan barnaamijka nukliyeerka Iran ayaan wax heshiis ah laga gaarin wali, iyadoo wadahadalada ay ka sii socdaan magaalada Vienna.

Waxaa jira calaamado muujinaya in heshiis lagu dhawaaaqi doono dhawaan. Warfidiyeenada tabinya wadahadalada waxaa lagu wargaliyay in ay isu diyaarinyaan shir jaraa'id oo subaxnimada Talaadada la qaban doono.

Waddamada Maraykanka, Ruushka iyo Britain ayaa wadahadalo kula jiray Tehran muddo 17 maalmood ah, si Tehran loogu qanciyo in ay hoos u dhigto howlaheeda Nukliyeerka si looga khafiifiyo cunaqabataynada caalamiga ah.

Iran ayaa ku doodeysa in aanay ku talo jirin sameysashada hubkaasi wax gumaada.

Mareykanka ayaa doonaya in sida ugu dhaqsaha badan heshiis u cuntama laga gaaro nukliyeerka Iran.