Taliban oo soo dhoweysay wadahadalo

Lahaanshaha sawirka Getty

Hoggaamiyaha kooxda Talibaan, ee dalka Afghanistan, Mullah Omar, ayaa waxa uu taageeray wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda iyo kooxdaasi.

Fariin nadir ah, ayaa hoggaamiyahan go’doonsan waxa uu ku sheegay in sharciga Islaamka uusan ka hor imaanaynin in wadahadal lala yeesho cadow.

Waxa uu sheegay in tan ay wado u tahay, in la soo afjaro ciidamada shisheeye ee dalkaasi jooga.

Waloow Mullah Omar, uusan si qaas ah u sheegin wadahadaladii tooska ahaa oo ay yeesheen dowladda iyo Talibaan, oo ay dhexdhexaadinayeen Pakistan, fariintan ayaa ah tii ugu horeysay oo looga hadlo kullankaasi.

Ciidamadda NATO ayaa si rasmi ah u soo afjaray howlgalkoodii dalka Afghanistan bishii December, laakiin ciidamadooda ayaa weli ku sugan dalkaasi, si ay u tababaraan xooggaga Afghanistan, waxaana la filayaa in iyagana ay isaga baxaan dabayaaqada sanadka 2016.