Kenya:Socod loogu tala galay nabada

Oradyahanada Kenya oo ay ku jiraan kuwa heysta bilado caalami ah ayaa bilaabay labo iyo labaatan maalmood oo la qabanayo socod loogu talo galay in nabadda lagu taageero.

Socodkan oo qaadan doona ilaa iyo 800 oo Kilomitir oo uu abaabulay John Kelai, oo hore ugu guuleystay orodka maaratoonka ee dalalka barwaaqa sooranka ayaa waxaa uu ka dhan yahay rabshadaha ku saleysan cirqiga.

Seddex ka mid ah adeeradiis ayaa lagu dilay lo' la kala dhacayay.

Socodka ayaa ka bilowday gobolka waqooyiga Turkaana, waxaana lug lagu soo mari doonaa deegaanadda ay rabashadaha ka dhacaan ee koofurta.

Ciyaartooyda ka qeyb galaya socodka ayaa qaadan doona tooj la mid ah midka Olombiga la shido.

Haile Gebreselassie oo ah ciyaartoy Itoobiyaan ah ayaa sheegay in uu socodka ka qeyb galayo marka uu marayo marxaladdaha ugu danbeeya.