Dowladda oo dib u eegeysa qorshaha BBC

Lahaanshaha sawirka PA

Dowladda Britain ayaa bilowday qorshe ay dib ugu eegeyso mustaqbalka BBC. Isaga oo ka hadlayay baarlamaanka ayaa Xoghayaha Dhaqanka ee Britain, John Whittingdale, waxa uu sheegay in hey'adda BBC dunida oo dhan laga jecel yahay laakiin dowladda ay tahay inay dib u eegto in leedahay qorshe sax ah oo bartilmaameed leh.

Waxa uu sheegay in dikuminti wada tasho oo loo yaqaan Green Paper inuu dejinayo ujeedada hey'adda, qaabka lacagta loo siiyo iyo sida loo maamulo, Waxaana suaalaha adag ee uu soo jeediyay ka mid ah.

  • Waa maxay ujeedada guud ee BBC?
  • Adeegyo noocee ah ayay tahay in BBC soo gudbiso?
  • Sidee BBC loo maalgelinayaa BBC?
  • Sidee BBC loo maamulayaa, loona sharciyeynayaa?

BBC oo ka jawaabaysay arrintan waxay sheegtay in dowladdu ay soo jeedinayso BBC la naaqusiyay, taasi oo ah tallaabo aanu wanaagsan saneyn Britain.

Dowladda ayay tahay inay cusbooneysiiso axdiga tobanka sano ah ee BBC, kaasi oo dhacaya sanadka 2016.