Heshiiska Iiran waa 'badbaadinta" dunida

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Iraan waxay ku doodeysay in nukliyerkeeda uu nabad gelyo ku dhisan yahay

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in heshiiska Talaadadii laga gaaray nukliyerka iiraan inuu ka turjumaayo fursadaha mar nolosha soo mara ee dunida lagu badbaadiynayo.

Heshiiska waxaa ka mid ah, in si adag loo xadidayo dhaqdhaqaaqa nukliyerka Iraan, taa bedelkeedana waxaa laga qaadayaa cuna qabateynta dhaqaale ee saaran.

Khudba uu ka jeediyay TV-ga, ayaa Mr Obama waxa uu ku sheegay in heshiiska inuusan meesha ka saareynin khatarta Iiran ay ku tahay dalalka deriska la ah iyo caalamka oo dhan.

Laakiin waxa uu tilmaamay in ay tahay tallaabada ugu wanaagsan ee lagu xaqiijinayo in iiraan aysan helin hub nukliyer ah.

Heshiiska waxaa si adag u cambaareeyay xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka iyo Israa’iil, oo ra’iisul wasaarahoodu uu sheegay in ay tahay qalad cad, in Iiraan lala heshiiyo.