Saraakiil Shabaab oo lagu 'dilay' Baardheere

Ugu yaraan laba hogaamiye oo ka tirsan al-Shabaab ayaa lagu soo warramay in lagu dilay weerar ay qaadday dayaarad nooca aanay qofna wadin ee loo yaqaan Drone.

Dadka deggan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay maqleen dhawaaq qarax weyn.

Dagaalyahanno ka tirsan al-Shabaab ayaa markiiba aaday goobta ay wax ka dhaceen.

Isgaarsiinta telefoonada ee magaalada ayaa go'an.

Magaalada Baardheere waxay ka mid tahay magaalooyinka fara ku tiriska ah ee ay wali ka taliyaan al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa ku sii siqaya magaalada.

Dhawr xubnood oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee al-Shabaab ayaa lagu dilay weerarro ay qaadeen dayaaradaha Mareykanka ee aanay cidina wadin.