Xubno ka tirsan dowladda Yemen oo tagay Cadan

Lahaanshaha sawirka AP

Dhawr wasiir iyo saraakiil sare oo dhinaca sirdoonka ah oo ka tirsan dowladda Yemen ee masaafuriska ku maqan ayaa ka soo degay garoonka dayaaradaha ee magaalada koonfurta ku taal ee Cadan.

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, maliishiyooyin ay taageerayaan duqeymaha Sacuudigu horkacayo ayaa ka saaray inta badan magaalada Cadan jabhadda Xuutiyiinta.

Waa markii ugu horreysay ee xubno ka tirsan dowladda masaafuriska ku maqan ay ku laabtaan dalka Yemen tan iyo markii Madaxweyne Abdu Rabbu Mansuur Hadi lagu qasbay inuu dalka isaga baxo bishii March ee sanadkan oo ay dhul badan qabsadeen Xuutiyiinta.

Ilaa iyo markaas Madaxweynaha iyo dowladdiisa ayaa ku sugaa dalka Sacuudiga oo isagu hoggaaminayay dagaalka duqeynta ah ee ka dhanka ah Xuutiyiinta.