Dembi lagu helay ninkii weeraray "Batman"

Lahaanshaha sawirka WARNER BROS
Image caption Batman ayaa ah aflaan caan ah oo aad loo daawado

Ninkii hubeysnaa ee weeraray meesha lagu daawanaayay filimka Batman, James Holmes ayaa lagu helay dembi ah inuu dad dilay, kaddib markii uu gobolka Colorado uu ku toogtay 12 qof oo shaneemo u socotay, sanadkii 2012kii. Hadda waxaa lagu xukumi doonaa dil.

Weerarkaasi waxaa sidoo kale ku dhaawacantay 70 qof kaddib markii ninkan 27 sano jirka ah uu rasaas ku furay shaneemo ay dad badan ka buuxeen.

Dadkaasi oo dhan waxa ay daawanayeen filim uu sameeyay Batman oo lagu magacaabo “the Dark Knight Rises”, waxayna ku sugnaayeen duleedka magaalada Denver.

Qareenada u doodaya waxa ay sheegayaan inaan dembi lagu helin karin marka loo eego waalidiisa.

Xeerbeegtida ayaa laba maalin waxa ay ka doodayeen dacwadda oo laba bil iyo bar ka socotay Colorado.