Nigeria: Dad ciidayay oo la qarxiyay

Lahaanshaha sawirka AP

Ciidamada Nigeria ayaa sheegay in ugu yaraan 11 ruux lagu dilay labo weeraro oo isqarxin magaalada waqooyiga bari ee Damaturu.

Waxaana la sheegay in labada isqarxisay ay haween ahaayeen, midna ay aheyd haweeney da' ah, halka midda kale ay gabar 10 jir ah aheyd.

Qaraxyada ayaa ka dhacay halkii lagu tukanayay salaadii ciid ee saakay. Weerarada ceynkan oo kale ah ayaa badi lagu eedeeyaa Boko Xaraam.

Saraakiisha ammaanka ee dalka dariska ee Niger ayaa sheegay in ciidamadoodu ay u gudbeen Nigeria oo ay ugu yaraan ku dileen 30 ka mid ah dagaalamayaasha Boko Xaraam.

Arabacadii ayey xagjiriinta ku dileen dhowr ka mid ah dadka deegaanka dhinaca xadka Niger.