Maanta oo laga ciidayo dalalka Muslimiinta

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption damaashaadka iyo mashxaradda ayaa dunida oo dhan ka socda

Dalal badan oo oo dadka Muslimiinta ay degan yihiin ayaa maanta looga dabaaldegayaa maalinta ciidul fitriga, kaddib markii lagu dhawaaqay in bisha laga arkay.

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha laga ciidaayo, dowladda Soomaaliya ayaana ku dhawaaqday arrintaasi, sida lagu qoray warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

Sidoo kale, dalalka Bariga Afrika muslimiinta deggan ayaa u dabaaldegaya ciidul fitriga, iyadoo ay hadda socdaan damaashaadka iyo farxadda.

Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka carabta ayaa dhankoioda waxa ay ku dhawaaqeen inay maanta ciid tahay.