Mushkiladda Deymaha Giriigga

Lahaanshaha sawirka Reuters
Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Giriigga ayaa laga doonayaa inuu shirka wadamada adeegsada lacagta Euro, la yimaado qorshooyin cusub oo lagu xalinayo mushkiladda deymaha dalka, kaddib markii dadka dalkaasi cod ku diideen axaddii shuruudaha ku xiran lacagta siinayo.

Qorshaha ayaa la sheegayaa inay ku jiraan in la jaro deymaha 30%.

Maxay tahay waxa dhabtii Giriigga ku dhacaya iyo waxa keenay in wadanku galo dhibaatada hadda taagan? halkan waxaan ku soo bandhigeynaa tirada ugu weyn oo aad dooneyso si aad u ogaato waxa socda.

1. Waa imisa deynta lagu leeyahay Giriigga?

Deynta guud ee wadanka lagu leeyahay ayaa gaareysa €323 bilyan (£230bn; $356bn), taasi oo ay ku leeyihiin dalal kala duwan iyo bangiyo Yurub ah.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Dalalka Yurub ee deymaha ku leh Giriigga waxaa ugu badan Germalka, waxaana soo raaca Faransiiska iyo Talyaaniga.

Dalalka Yurub sida Slovenia iyo Malta ayaan wax badan ku lumineynin marka deynta loo fiiriyo GDP-ga wadanka.

2. Goormee ayaa laga doonayaa in Giriigu bixiyo deynta?

Ilaa 2010kii ayuu Giriiggu ku tiirsanaa lacagta ay siiyeen midowga Yurub iyo IMF oo gaareysa €240 bilyan. lacagtii ugu dambeysay oo ay Giriiggu siiyeen deyn bixiyayaasha caalamiga ayaa aheyd bishii August ee sanadkii 2014kii, iyadoo heshiiskii wadamada adeegsada lacagta Yurub uu dhamaaday 30kii June. Dowladda Giriigga ayaa ku guuldareystay inay siiso IMF deyn muhiim aheyd oo gaareysay €1.5 bilyan.

iyadoo IMF sheegeyso in Giriigu lacag ku taagan tahay ayey hadana EFSF, oo ah guddi la dhisay 2010kii si ay gacan uga geystaan xalka dhibaatada Yurub, ay sheegayaan in taasi ay keeneyso in Giriigu uusan iska bixin karin lacagta. Dalalka adeegsada lacagta Euro ayaa aftida kaddib ka doonaya Giriigga qorshooyin cusub

3. Waa maxay dhibaatada badan uu Giriigu ku jiro?

Kuwa dhaliila ayaa dhibaatada Giriiga u tiriya ka hor intii aanay ku biirin Midogwa Yurub 2001kii, markaasi oo ay wax badan isticmaaleen. kaddib markii ay qaateen lacagta lagu mideysan yahay ayey kordheen qarashaadkii guud. Mushaarka shaqaalaha dowladda, tusaale ahaan, wuxuu kordhay 50% intii u dhexeysay 1999kii iyo 2007dii, taas oo ka badan dalalka kale ee Yurub. Waxaana dowladda ku uruuray bixinta deymo badan oo ka yimid cayaarihii olympicada Athens ee 2004tii.

Kaddib sanado badan oo wax badan la bixiyay, ayuu hoos u dhaca miisaaniyadda dalka - faraqa u dhexeeya bixinta qarashaadka iyo daqliga - faraha ka baxay.

Deynta ayaa gaartay meel uusan dalka dib u awoodin inuu iska bixiyo, waxaana lagu qasbay inuu kaalmo weydiisto saaxiibadooda Yurub iyo IMF, qaab deyn badan. Shuruudda ku xiran deymahaasi ayaa sii xumeeysay dhibaatada Giriiga, gaar ahaan tan dadka caadiga.

Deynta Giriiga saami ahaan marka loo fiiryo GDP-ga, waa midda ugu sareysa haatan Yurub, waxayna gaareysaa 174% rubucii ugu dambeeyay ee 2014, sida laga soo xigtay Eurostat.

Waxayna tani ku keentay dadka caadiga shaqo la'aan ba'an, gaar ahaan dhalinyarada.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Kaddib markii ay guuldareysteen wadahadalada lacagta lagu siinayay Giriiga iyo go'aanka bangiga dhexe ee Yurub uu ku diiday inuu kordhiyo lacagta deg dega, ayuu dalku ku qasbanaaday inuu xiro bangiyadiisa, uuna xadido lacagta lala bixi karo oo uu ka dhigay €60 maalintii.

Haatan oo ay bangiyada Giriiga lacagti ka dhamaaneyso oo ay qarka u saaran yihiin burbur, ayuu bangiga dhexe ee Yurub sheegay, inuu ka doodayo hadii uu siinayo lacag kale oo deg deg ah

4. Waxay dadka Giriiga maleynayaan?

Malaayiin Giriig ah ayaa helay fursadii ay ku oran lahaayeen, hadii ay aqbalayaan shuruudahii ugu dambeeyay ee lacag siintii. Aftidii dalka ee la qabtay 5tii julay ayaa dadka lagu weydiiyay hadii ay doonayaan lacag tashiilidda, oo ay ka doonayaan kuwa deymaha siiyay taasi oo wadata canshuuraha oo la kordhiyo iyo in si weyn loo dhimo lacagta ay dowladdu ku caawiso dadka.

Xisbiga bidixda ee talada haya ee Syriza, ayaa dadka ku dhiirogeliyay inay Maya u codeeyaan iyagoo ku doodaya in shuruudaha ay bahdil yihiin, halka kuwa u ololeynayay Haa ay ka digeen in maya keeneyso in Giriiga laga saaro dalalka isticmaala lacagta Euro.

Ugu dambeyntii codbixiyayaasha ayaa si adag u diiday shuruudaha lacag siinta iyagoo 61% u codeeyay Maya, halka 38.7% ay u codeeyeen Haa.

5. Maxaa dhici doona?

Qubarada ayaa sheegaya in saddex waxyaabood ay dhici karaan kaddib codeyntii axadii ee Maya.

1. Heshiis guuldareysto oo Giriigga ka saaro Yurub. 2. Burburka bangiyada Giriiga oo keenay inuu Yurub ka baxo ama heshiis. 3. Hogaamiyayaasha Yurub oo gaara heshiis, ayna ka hortagaan burbur ku yimaada bangiyada.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service