Diyaaradii MH17 oo xus loo sameeyay

Lahaanshaha sawirka AFP

Sanad kaddib markii diyaaradii Malaysia lagu soo riday dhulka ay falaagadu haysato ee bariga Ukriane, ayey qoysaska dadkii Netherlands u dhashay ee ku geeriyooday diyaaradda u sameeyeen xus gaar ah.

Badi dadkii ku dhintay diyaaradaasi ayaa u dhashay dalka Netherlands.

Magacyada dhammaan 298-kii ruux ayaa laga aqriyay xuska oo muusig, hadalo iyo gabayo lagu soo bandhigay.

Sidoo kale waxaa dadkaasi xus loogu sameeyay dalalka Ukraine iyo Australia.

Waxaa jira baaqyo kordhaya oo ah in la maxkamadeeyo, kuwii mas'uulka ka ahaa toogashada duulimaadkii tirsigiisu ahaa MH17, balse Russia waa ay diiday baaqyada in maxkamad caalami ah loo sameeyo.

Ra'iisul wasaaraha Netherlands, Mark Rutte, ayaa sheegay in kuwii ku dhintay abid la xusuusnaan doono.