Nin hubeysan oo afar askeri ku dilay US

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption meesha uu weerarka ka dhacay ayaa ciidamo badan la geeyay

Nin hubeysan ayaa afar ka mid ah ciidamada maariiniska ee Mareykanka toogtay kaddib markii uu weeraray laba dhismo oo ciidmadu degan yihiin.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay Chattanooga ee gobolka Tennessee, ee dalka Mareykanka.

Maayarka magaalada, Andy Berke, ayaa waxa uu sheegay in ninka hubeysan ee weerarka qaaday ay booliska toogteen.

Qof boolis ah iyo dad kale ayaa weerarkan ku dhaawacmay, sida uu Maayarka tilmaamay.

Madaxda gobolkaasi waxa ay weerarka ku tilmaameen “ficil argagixisada gudaha” ay ka dambeyso.

Waxaa sidoo kale la sheegayaan in baarayaashu ay eegayaan in ninkan uu xiriir la lahaa Daacish ama koox kaloo la mid ah.

FBI-da waxa ay magaciisa ku sheegeen Muxamed Yuusuf Cabdulcasiis, mid ka mid ah TV-yada dalkaasina waxa uu baahiyay inuu qaatay dhalashada mareykanka, laakiin uu ku dhashay dalka Kuweyt.