Ciraaq: Qarax ay dad badan ku dhinteen

Image caption Qarax Ciraaq

Qarax gaari Ciraaq ayaa waxaa ku dhintay dad u badan Shiica.

Qaraxa ayaa dilay ugu yaraan 120 qof, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 130 suuq aad loo buuxay magaalo Ciraaq.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Shiicada ee Khan Bani Saad, ee waqooyiga Baqdaad.

Carruur ayaa ka mid ah dadka ku dhintay qaraxa, oo dhacay ayadoo dadka ay u dabaal degayaan Ciida.

Kooxda Daacish, oo maamusha meelo badan waddanka ayaa sheegay inay weerarka ka danbeeyeen.

Hadal ay soo saareen kooxda Daacish ayaa sheegay, in qof ka tirsan kooxda uu gaari saddex tan oo waxyaabaha qarxa ay saaran yihiin uu ku soo kaxeeyay dadka.

Gaashaanle boliis Ahmed al- Tamimi, ayaa u sheegay Reuters in qasaaraha uu ahaa mid aad u wayn.