Gariiga: Wasiiro dhaleeceeyay qorshaha cusub

Image caption Dad ka soo horjeeda lacago dhimista.

Qorshahii ugu danbeeyay ee dalka Gariiga lagu ammaahinayo lacagaha ayaa cambaarayn kaga timid wasiiro dowladda ka tirsanaan jiray.

Wasiirkii hore ee maaliyada Yanis Varoufakis ayaa BBC u sheegay, in qorshaha uu yahay wax aad u xun oo Ra'iisalwasaaraha nafiisa uusan aaminsanayn.

Mr Varoufakis, ayaa iscasilay saacado kadib markii Gariiga ay afti ku diideen qorshahii hore ee isbadalada dhaqaalaha. Wasiiradii kale ee ka soo horjeeday qorshaha cusub ee caalamiga ee lagu badbaadinayo Gariiga ayaa laga saaray dowladda Jimcihii.