Talyaaniga oo xiray saddex qof

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaxootiga Suuriya

Boliiska Talyaanigu waxay xireen saddex qof oo lagu tuhunsan yahay in si kontarabaan ah ay dad uga soo gelinayeen xagga dalka Masar, kuwaas oo la socday 300 qof oo soo galow ah oo doon ku yimid jasiiradda Sicily.

Gabar toban jir ah oo u dhalatay Suuriya oo qabtay cudurka macaanka ama sokorow ayaa dhimatay intii dadkaasi safarka ku soo jireen.

Waalidiinteeda ayaa sheegay in kuwii safarka soo qaban qaabiyay ay badda ku tuureen boorso ay gabadhaasi ku wadatay daawada macaanka loo qaato.