Kenya: Westgate oo dib loo furay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Xarunta Westgate

Xarunta dukaamada Westgate ee Nairobi ayaa dib loo furay kadib markii laba sanno ka hor ay soo weerareen kooxda Alshabaab.

Dad saf galay ayaa sugayay xaflad gudoomiyaha Nairobi uu ku furay xarunta. Qof walba oo soo galayay xarunta ayaa la baaray. Madaxaweyne Obama ayaa la filayaa inuu booqdo Kenya toddobaadka danbe.

Xaflada ayaa loo arkayay inay tahay kalsooni ku soo noqotay ammaanka waddanka.

Alshabaab ayaa qaaday dhowr weerar kadib, oo ay ka mid weerar ay ku qaaday Jaamacada Garisa oo ay ku dhinteen boqol iyo konton qof.