250 qof oo ku dhaawacantay shil tareen

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dadka saarnaa tareenadan ayaa dhammaan la badbaadiyay

Laamaha gurmadka degdegga ah ee dalka koofurta Afrika ayaa waxa ay sheegayaan ugu yaraan in 250 qof ay dhaawacmeen kaddib markii labada tareen ay isku dheceen.

Shilka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Johannesburg, xalau fiidkii.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa waxa uu sheegay dhaawaca uu isugu jiro mid fudud iyo culusba, laakiin aysan jirin qof xaalad xun ku jira.

Mid ka mid ah tareenada ayaa la sheegayaa inuu taagnaa markii uu midka kale ku dhacayay.

Labaduba waxaa saarnaa rakaab ay ka soo qaadeen bartamaha Johannesburg, waxayna ku sii socdeen Soweto.

Sababta iskudhaca keentay illaa iyo hadda lama oga.