Boqolaal lagu xiray Sacuudiga

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada ammaanka ee Sacuudiga.

Masuuliyiinta Sacuudi Careebia waxay sheegeen in hawl gallo ay dhowaan ku dhaqaaqeen ay ku soo xireen marka la isu-geeyo dad ka badan 430 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish.

Wasaaradda arrimaha gudaha waxay sheegtay in Daacish ay doonaysay inay fowdo ka abuurto dalkaas, iyo in ay fashiliyeen mu'aamarado badan. Waxaa ka mid ahaa qorshe bartilmaameedkiisu ahaa safaarad, dil ciidammada ammaanka iyo in weerarro is-qarxin ah lagu qaado masaajid.

Dhinaca kale, Boqor Salmaanka Sacuudi Careeba waxaa uu wada hadal la yeeshay hoggaamiyaha kooxda Falastiiniyiinta, Khaled Meshaal, oo cimro u tegay magaalada Makka.

Afar sano ayaa laga joogaa markii ugu dambaysay ee boqor Sacuudi ah uu si caddaan ah wada hadal ula yeesho kooxdaas maamusha Gaza.

Xamaas dhaqan ahaan waxay xulafo la tahay Iran.