M/xigeenka FIFA oo maxkamad lasoo taagay

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Webb ayaa lagu eedeynayaa inuu South Afrika lacag ka qaatay

Madaxweyni ku xigeenkii hore ee xiriirka kubadda cagta dunida ee FIFA, Jeffrey Webb, ayaa waxa uu diiday inuu dembi musuqmaasuq galay.

Waxa uu sidaasi ka sheegay mar la horgeeyay maxkamad ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Waxaa lagu siideynayaa lacag dhigaal ah, mana u safri karo in kabadan 32 kilomitir meel u jirta Maxkamadda.

Waxaana la sheegayaa in dhaqdhaqaaqiisa lala socondoono, oo qalab korkiisa lagu xirayo.

Mr Webb ayaa dowladda Switzerland waxa ay isbuucii hore ku wareejisay Mareykanka, waxaana loo haystaa inuu aqbalay in laaluush malaayiin dollar ah la siiyo, si uu arrimaha FIFA u iibsado.

Waxa uu ka mid yahay todobo xubin oo FIFA ka mid ah oo bishii May Zurich lagu xiray, kuwaas oo ay baarayaan FBI-da Mareykanka.

Lixda kale waxa ay ka dagaallamayaan in mareykanka lagu wareejiyo si baaritaanka musuqmaasuqa uu halkaasi uga sii socdo.