Madaafiic lagu weeraray gacanka Siinaay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Gacanka Siinaay waxa uu noqday meel ay ku hardamaan Daacish iyo dowladda Masar

Koox loo maleynaayo inay mintidiin yihiin ayaa waxa ay madaafiic ku garaaceen laba baro-koontorool oo ciidamada Masar ay ku leeyihiin gacanka Siinaay.

Madaafiicdaasi waxaa lagu warramayaa inay ku dhinteen ugu yaraan shan askeri.

Labada xarun ee Militariga Masar ay leeyihiin ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwii dhowaantan ay weerareen koox xiriir la leh ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka.

Ugu yaraan 17 askeri ayaa weerarkaasi ku dhimatay, iyadoo kooxdaasina ay saacado haystee goobihii ay weerareen.