Dagaal lagu qaadayo Alshabaab

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada Amisom

Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee Amisom ayaa sheegay in ay bilaabeen weerar cusub oo ay ku qaadayaan Alshabaab.

Qoraal ay soo saareen ayay ku sheegeen in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka qaybqaadanayaan dagaalka.

Waxay sheegeen in Alshabaab laga bixinayo degmooyinka ay haystaan ee Gedo iyo Bay, si loo helo jid ammaan ah oo gargaarka la marsiiyo.

Intay waddada ku jireen ciidamada dowladda iyo Amisom waxay kula kulmeen maleeshiyada Alshabaab oo ay la dagaalameen. Saakay Alshabaab weerar isqarxin ayay ku qaadeen kolomo ciidamo Itoobiya oo ku sii socday degmada Iidaale ee gobolka Bay, wax qasaare oo ka dhashay lama oga.

Waxaa socda barakac xoog leh degaanada Diinsoor iyo Baardheere oo dadkii ay isaga baxayaan deegaanada.