Benteke wuxuu tegay Liverpool

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Chrtistian Benteke

Weeraryahanka Christian Benteke ayaa lagu wadaa inuu maro baaritaan caafimaad si uu ugu biiro kooxda Liverpool iyadoo ay heshiis la gaareen Aston Villa in ciyaartoygaas laga siisto £32.5m.

Dhinaca kale, iskudayga Chelsea ay ku doonayso laacibka John Stones ayaa waxaa ka carooday maamulaha Everton, Roberto Martinez.

Waxaa uu Chelsea ku dhaleeceeyay inay dacaayad u sameysay iskudayga ay ku doonayaan ciyaartoygaas difaaca ka dheela ee John Stones.

Maamulaha Chelsea, Jose Mourinho, waxaa uu xaqiijiyay inuu daneynayo laacibkan 21 jirka heerka caalami ah ee qaranka Ingiriiska ku jira, isagoo yiri: "Iskuday ayaan sameynay waayo waan jecelnahay ciyaartoygan."