Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Socodka rajada ee Kenya oo la soo gebagebeeyay

Ayadoo in muddo ahba ay koox dhallinyaro ah oo ka soo jeeda gobolka waqooyi bari ee kenya ay ku guda jireen socod loogu magac daray socodskii rajada, ayey iminka gaareen halkii socodkoodu ku ekaa oo ah magaalada Mandera.

Socodka waxay ka bilkaabeen magaalada Gaarisa, waxayna jareen ilaa 1000 KM oo ay lug ku mareen, iyagoo uga gol lahaa inay indhaha dadka ku soo jeediyaan dhibaatooyinka haysta dadka ku nool gobolka.

Salah Abdi Sheikh wuxuu ka mid yahay dadkii soo qaban qaabiyey socodka.

Rage Hassan ayuu uga warramay waxa ay Mandera kala kulmeen markii ay socodka soo gabagabeeyeen.

Image caption Markii ay gaareen magaalada Mandera ayaa dhallinta si weyn loosoo dhaweeyay
Image caption Shacabka magaalada ayaa isu soo baxay waxayna u raaceen xadka kala qeybiya Kenya, Soomaaliya iyo itoobiya
Image caption Bartamaha magaalada ayey kula kulmeen shacab
Image caption Ka hor inteysan aadin xuduuda waxa ay la hadlaan shacabka mandera
Image caption Socodka waxaa ka mid ah dad odayaal ah
Image caption Ujeedada socodkan ayaa ah in rajada gobolka lagu soo celiyo maadaama weeraro ay ka dheceen