Weerar Cadan lagu wada qabanayo

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dagaalka Cadan

Weerar culus ayaa ka socda magaalada Cadan ee Yemen labaatan iyo afartii saac ee la soo dhaafay.

War laga helay shaqaalaha caafimaadka, ayaa sheegaya in ugu yaraan afartan iyo seddex qof oo rayad ah ay ku dhinteen weerar mucaaradka Xuutiga.

Habeenimadii maleeshiyo taageersan dowladda ayaa isku dayay inay qabsadaan meeshii ugu danbaysay ee Xuutiga ay magaalada ka haysteen ee gacanka Tawahi, laakiin waa ku guuldaraysteen.

Toddobaadkii hore mucaaradka ayaa meelo badan ay ka qabsadeen ciidamada taageersan dowladda.

Wasiirada dowladda ee Sacuudiga u cararay ayaa ku soo noqonayay magaalada, inkastoo madaxweynihii uu wali joogo Sacuudi Arabiya.