Maxkamadaynta madaxweynihii hore ee Chad

Image caption Hissène Habré

Madaxweynihii hore ee dalka Chad oo ku eedaysan in uu dambiyo ka dhan aadanaha gaystay 25-kii sano ee uu xukunka dalkiisa hayay ayaa maanta maxkamada la horkeenay.

Habre ayaa maxkamada qasab lagu keenay, laakiin waa la daahiyay dacwada kadib markii taageerayaashiisa ay la dagaalameen masuuliyiinta.

Waa markii ugu horaysay oo maxkamad dal ay dacawad ku soo oogto hoggaamiye dal kale oo ku eedaysan falal ka dhan ah xaquuqda aadanaha.

Maxkamadaynta waxa ay ka socotaa maxkamad gaar ah oo ay alkuntay dawladda Senegal iyo Midowga Afrika oo fadhigeedu yahay Dakar.

Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegtay in kiiskan uu fursad u yahay in qaarada Afrika ay la xisaabtami karto hogaamiyayaasheeda.