Turkiga: ammaanka aad ayaan u adkaynaynaa

Lahaanshaha sawirka AFP

Ra'sal wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa balan qaaday in ay sare u qaadayaan ammaanka xadka ay Suuriya la wadaagaan.

Qof isqarxiyay ayaa ayaa dilay ugu yaraan soddon qof oo joogay shir ay ku lahaayeen Turkiga iyo Kurdiyiinta magaalada Suruc ee xuduuda Suuriya, si ay uga hadlaan dib u dhiska magaalada Kobani ee xuduuda Suuriya.

Ilaa boqol qof oo kale ayaa dhaawacmay. Turkiga ayaa ku eedeysay inay ka danbeeyeen qaraxa ururka mintidka ah ee la magac baxay dowladda Islaamka.

Baadhayaashu waxa ay u malaynayaan in ruuxa is qarxiyay uu yahay dumar

Waa weerarkii ugu waynaa ee lagu qaado Turkiga, dowlada ayaa adkaysay sida ay ula dhaqanto ururka la magac baxay Dowladda Islaamka, iyada oo markii hore lagu eedeyay inay ku caawiso hub.

Suruc ayaa ku taala xuduuda Suuriya ee magaalada Kobane agteeda, halkaasoo ay ku dagaalamayeen ciidamada Kudishka iyo ururka la magac baxay dowladda islaamiga.

Suruc waxaa ku taala xerada qaxootiga ee ugu wayn gobolka oo ay ku jiraan 35,000 oo Suuriyaan ah.