Burundi oo loo dareeray doorasho lagu muransan yahay

Qalalaasaha Burundi
Image caption Xiisad ayaa ka taagan Burundi tan iyo markii Nkurunziza ku dhawaaqay inuu isa soo sharraxayo.

Dalka Burundi waxaa ka billabatay doorashada madaxweynaha oo in muddo ah lagu muransanaa.

Saddexda musharax ee mucaaradka ayaa sheegay inay qaadaceen doorashadani.

Doorashado ayaa dhaceysa iyadoo habeenkii xalay xabado badan iyo qarax laga maqlay magaalada Bujumbura ee caasimadda ah. ugu yaraan 2 qof ayaa dhimatay.

Mudaaharaadyaal ayaa isgu soo baxay bartamaha caasimada Bujumbura maanta.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa mar saddexaad u taagan jagada madaxweynaha.

Waxa ay ka caraysanyihiin madaxwayne Pierra Nkurunziza, ayaa markii saddexaad isu sharaxay doorashada madaxtinimada inkasta oo ay jiraan eedaymo sheegaya in ay sharcidarro tahay.

Ugu yaraan 70 ruux ayaa ku dhimatay mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo in madaxwaynuhu uu mar saddexaad isa soo sharraxo.