Maxkamadaynta Habre oo maalintii labaad gashay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Habre

Madaxweynihii hore ee dalka Chad Hissene Habré ayaa lagu wadaa in uu markale maanta ka soo hor muuqdo maxkamad ku taalla dalka Senegal.

Maxkmadayntiisa ayaa shalay ka billaabatay magaalada Dakar, balse Mr. Habre wuu diiday sharci ahaanshaha maxkamadda.

Habre ayaa maxkamada qasab lagu keenay, laakiin waa la daahiyay dacwada kadib markii taageerayaashiisa ay la dagaalameen masuuliyiinta.

Waa laga waday maxkamadda kadib markii uu ku tilmaamay mid dheel-dheel ah.

Wuxuu ku eedaysanyahay in uu dambiyo ka dhan aadanaha gaystay 25-kii sano ee uu xukunka dalkiisa hayay.

Waa markii ugu horaysay oo maxkamad dal ay dacawad ku soo oogto hoggaamiye dal kale oo ku eedaysan falal ka dhan ah xaquuqda aadanaha.

Maxkamadaynta waxa ay ka socotaa maxkamad gaar ah oo ay alkumeen dawladda Senegal iyo Midowga Afrika.