Kenyatta oo ka hadlay booqashada Obama ee Kenya

Image caption Kenyatta waxa uu ka hadlay soo dhawaynta Obama.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in Obama uusan kala hadli doonin arrinta dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.

Waxa uu haseyeshee, sheegay in ay jiraan waxyaaba badan oo dhanka xuquuqda shakhsiyaadka ah oo ay ka hadli doonaan.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa dhammaadka todobaadkan waxa uu caasimadan Nairobi uga qeybgali doonaa shir looga hadlayo ganacsiga caalamka.

Magaalada Nairobi waxaa dhowr isbuuc ka hor ka dhacay mudaaharaadya loogu baaqaya Obama in uusan ka hadlin arrnta dadka iskujinsiga ee isu galmooda.

Dalka Kenya waa mamnuuc xariirka noocaas ah.

Kenyatta oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Nairobi ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto, oo ay dacwadi uga socoto maxkamada demnmbiyada caalamiga ah ee ICC-da uu goob-joog ka noqon doono kulanka Obama.

Obama ayaa waxa uu ka qeybgali doonaa shir looga hadlayo ganacsiga oo ka dhacaya dabayaaqada toddobaadkan magaalada Nairobi. Kenyatta waxa uu dadweynaha Kenya ka dalbaday in ay si wayn u soo dhaweeyaan Obama.