USA: Doorashada Burundi kalsooni kuma dhisno

Lahaanshaha sawirka
Image caption Doorashda Burundi

Afhayeenka waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka John Kirby, oo ka hadlay doorashada ka socoto dalka Burundi ayaa ku tilmaamay doorashada in ay tahay mid uga sii dareysa sumcada liidato ee xkuumadda Burundi.

Doorashadan oo ay qaadaceen dhowr ka mid ah murashaxiinta mucaaradka, ayaa waxaa lasoo sheegayaa in dad aan sidaa u badneyn ay usoo baxeen dhiibashada codkooda.

Balse kuwa kale oo ka mid ah codbixiyayaasha ayaa codkooda kaga dhiibanayeen safaf dhaadheer tuulada uu kusoo jeedo madaxweyne Nkurunziza ee Buye.

Madaxweynaha oo bushkuleeti ku yimid goob codka laga dhiibanayo, ayaa weriyayaasha u sheegay in maanta ay maalin weyn u tahay dimuqraadiyada Burundi.

Si kastaba, ugu yaraan 70 qof ayaa ku dhimatay dalkaasi Burundi tan iyo markii ay bilowdeen rabshadaha bishii April, xilligaasi oo uu madaxweyne Nkurunziza shaaciyay in uu mar saddexaad isu sharaxayo hogaanka dalkiisa.