Baarlamaanka Giriiga oo maanta codaynaya

Lahaanshaha sawirka

Baarlamaanka Giriiga ayaa maanta u codayn doona qaybtii labaad ee isbadalo dalkaasi laga rabo si ay ugu suuragasho in ay helaan daymo dhaqaalahooda lagu kabo.

Hadii ay xildhibaanadu meelmariyaan qorshahan isbadalada ee maaliyadeed iyo kuwo sharci, Giriigu waxa uu heli doonaa in kabadan sideetan bilyan oo lacagta Yuuroda ah, taas oo ah dabo qabotayn ay ka heli doonaan daymo bixiyayaashooda caalamiga ah.

Rai'sal wasaaraha Gririiga Alexis Tsipras oo ku tiirsan saaxiibadiisa Syriza

Waxaa la filayaa in arrintan loo codaynayo la meelmarindoono iyada oo taageero laga helayo xisbiyada mucaaradka.

faahfaahinta arrintan iyo waxa ka soo baxana waxa aad ku maqli doontaan idaacadaheena soo socda