Daawada cudurka Alzheimer

Lahaanshaha sawirka SLP
Image caption Cudurka Alzheimer

Baaritaan cusub ayaa lagu helay daawo la tijaabinayo inay daahinayso curdurka maskaxda hoos u dhigaya ee dadka ku rida asaasiq ee (Alzheimer)

Cudurka ayaa saameeya malaayiin qof adduunka.

Saynisyahanada ayaa rajaynaya, in daawada Solanezumab ay ka wax tar badan tahay sidii hore ee loo malaynayay.

Daawadan la tijaabinayo oo loo arkayay rayo wayn baaritaanka cudurka Alzheimer, ayaa saddex sanno ka hor ay guul daro la kulmeen.

Laakiin, xogta laga helay shirkada daawooyinka Eli Lilly ayaa sheegaysa in waqtiyada hore ee dadka markay cudurka qaadaan ay caawinayso daawada.