UAE oo jaraysa shidaalka ay kabto

Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa ku dhawaaqay inay joojinayso lacagta ay ku kabto shidaalka raqiiska ah ee ay dadka ay isticmaalaan. Dadka ku nool Imaarada ayaan heli doonin shidaal ka raqiisan inta qiimaha uu suuqa ka joogo.

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Baabuurta ayaa aad loo wataa UAE sababtoo ah waa raqiis shidaalka.

Dawladda ayaa sheegtay go'aanka in loogu talagalay in horumarinta dhaqaalaha, yaraynta isticmaalka shidaalka iyo in la dhawro deegaanka.

Baabuurta ayaa sameeyay labaatan iyo laba boqolkiiba gaaska hawada gala ee waddanka sanadkii 2013-ka.

Wasiirka tamarta ayaa dadka ku dhiiri galiyay inay isticmaalaan gaadiidka dadwaynaha.