Buhari: US waxay "caawineysaa" Boko xaraam

Image caption Buhari iyo Obama ayaa kawada hadlay arrimo badan

Madaxweynaha dalka Nigeria ayaa dowladda Mareykanka ku eedeeyay inay caawinayaan Boko haram, iyana dowladdiisa u diideen inay siiyaan hub uu kooxdaasi kula dagaallamo.

Sharciga Mareykanka ayaa diidaya in dowladda ay hub ka iibiso dalalka ku guuldareystay inay ilaaliyaan xuquuqda aadanaha.

Madaxweynaha Nigeria Maxamadu buhari, ayaa waxa uu la kulmay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama maalintii isniinta, isaga oo ka doonaayay inuu taageero ka heli.

Kooxda boko Xaraam ayaa waxa ay dishay dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof tani iyo 2009kii, waxayna afduubteen boqollaal dumar.