Howlgalka AMISOM ee koofurta Soomaaliya

Image caption waa Mab muujinaya sida Soomaaliya lookala maamulo

Ciidamada Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa AMSIOM ayaa waxa ay koofurta Soomaaliya ka wadaan olole ka dhan ah Ururka Alshabaab oo ay ka saarayaan deegaano badan.

Ciidamada ayaa howlgalkooda waxa ay ka wadaan gobollada, Baay, Bakool iyo Gedo. Waxayna doonayaan inay usii gudbaan gobolka Jubada dhexe.

Baardheere ayaa ah meeshii ugu dambeysay ee laga qabsaday, halkaas oo in kabadan todobo sano ay maamulayeen Alshabaab.

Waxaa sidoo kale hadda ciidaman ay kusii dhowaanayaan magaalada Diinsoor oo ka mid ah meelaha ay ugu xoogga badan yihiin Shabaabka, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan tani iyo 2006dii.

Lahaanshaha sawirka epa
Image caption Iyadoo Alshabaab meelo badan laga qabsaday hadana weli waxay awoodaan inay weeraro qaadaan

Ciidamada AMISOM ee hada taageeraya kuwa dowladda ee ku sugan deegaanada Shabaabka laga saaray waxa ay ka kala socdaan dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Warbaahinta ku hadasha afka Alshabaab ayaa sheegay in kooxda laga qabsaday Baardheere.

Ciidamada midowga Afrika ayaa dalka ku sugnaa tani iyo 2007dii, iyagoo caawinaayay dowladiihii Soomaaliya ee Qaramada midoobeey taageerada ka helayay.

Alshabaab ayaana mudadaasi u dagaalamayay inay meesha ka saaraan dowladahaasi ay garab socdaan 21,000 oo askeri oo dalalka Afrika ka socda.

Lahaanshaha sawirka d
Image caption Alshabaab waxay sidoo kale ay weeraro ka geysteen dalka Kenya

Ciidamada kenya ayaa 2011kii ku biiray AMISOM, kaddib markii ay dagaal la galeen Alshabaab oo ay sheegeen inay xuduudaahooda kusoo xadgudbeen.

Afartii sano ee la soo dhaafay Alshabaab waxaa laga saaray deegaano badan, oo ay ka mid ahaayeen kuwa aad muhiim ugu ah, sida Baraawe.

Soomaaliaya ayaana dagaallo kala duwan soo martay tani iyo 1991dii, xilligaas oo ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.