Obama oo ka degay Nairobi: Siday wax u dhacayeen

Obama Doyaarad
Image caption Diyaaradda Obama oo daqiiqada yar ka hor soo gaartay Nairobi.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa hadda ku sugan magaalada Nairobi halkaasi oo booqasho labo maalmood ah uu ku joogi doono.

Madaxweyne Obama ayaa ka qeybgali doono shir looga hadlayo arrimo ku saabsan ganacsiga dunida.

20:26 (SGA): Gaariga sida Obama oo hadda ka baxaya garoonka diyaaradaha.

20:22 (SGA): Obama waxa uu hadda koray gaariga ka qaadayay garoonka diyaaradaha

20:18 (SGA): Obama ayaa saxiixaya buuga booqashada madaxda ee Kenya iaydoo Kenyatta uu daawanaya

20:17 (SGA): Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qaabilay, dadkana salaan ayu ka qaadanayaa.

20:15 (SGA): Madaxweyne Obama ayaa ka soo degay diyaaradda magaalada Nairobi

20:05 (SGA): Diyaaradda Air Force1 ee Obama wadda ayaa ka soo degtay garoonka caalamiga ah ee Nairobi.

20:01 (SGA): Safiirka Maraykanka ee Kenya Robert F Codec ayaa gaaray garoonka si uu u soo dhaweeyo Obama.

2000 (SGA): Askar lebisan iyo kuwa dhar cad ah oo Maraykan ah ayaa si weyn u ilaalinaya garoonka, iyadoo la filayo in Obama uu soo dego xilli kasta.

1953 (SGA): Weriyaheenna Axmed Xaaji Xasan oo ku sugan garoonka caalamiga ee Nairobi, waxaa uu leeyahay waxaa loo sheegay in Obama uu soo degi doono 10-ka daqiiqo ee soo socota.

1949 (SGA): Uhuru Kenyatta ayaa gaaray garoonka diyaaradaha caalamiga ee Nairobi, siu uu u qaabilo Obama.

19:43 (SGA): Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu garoonka ku soo dhaweeyo Obama, oo la filayo inuu soo dego daqiiqadaha soo socda

Image caption Baabuurka nooca Beast ee soo qaadi doono Obama ayaa gaaray garoonka caalamiga ee Nairobi.
Lahaanshaha sawirka bashkas
Image caption Xasan Muumin oo Dhukaw ku magac dheer waxaa uu lebiska dhaqanka horey ugu xiray Obama, wuxuu doonayaa inuu mar kale la kulmo.
Image caption Magaalada ayaa laga kala baxayaa ka hor inta uusan Obama soo degin
Image caption Dadka oo dhan ayaa la baarayaa, ninkan waa Eric Kiraithe madaxa hay'adda dowladda ee maamusho garoomada dalka.