Obama oo balan qaaday xakamaynta hubka

Saacadokahor madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in uu aad ooga xunyahay in aan la ansixinin shuruucdii lagu xakamayn lahaa hubka ay shacabku iibsadaan.

Hadalkaas wax yar uun kaddib qof ayaa rasaas ku furay shaneemo filim lagu daawanayay oo ku taala gobolka Louisiana ee dalka Maraykanka.

Qofkaasi waxa uu dilay labo ruux waxa uuna dhaawacay todobo ruux kahor inta uusan isagu is dilin.

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in ninka dhibka gaystay uu ahaa cadaan kontameeyo sano jira, goob jooguhu waxa uu intaas ku daray in ninka weerarka gaystay uu shaneemada tagay labaatan daqiiqo kahor markii la bilaabi lahaa filimkii ay u daawasho tageen.

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa BBC u sheegay in wakhtiga uga dhiman xilka uu ku dadaali doono in aad loo xakameeyo hubka.