Halkan kala soco siday u dhaceen shirarka Obama ee Nairobi

Madaxweyne Obama iyo dhiggiisa Kenyatta ayaa shir saxaafadeed ku qabtay aqalka madaxtooyada Kenya kaddib markii ay shir yeesheen.

Halkan kala soco siday wax u dhaceen, iyo hadalka labada madaxweyne.

17:45 (SGA): Barack Obama: Aniga iyo qoyskaygaba waan soo noqon doonaa, qoyskayguna aad bay u jecelyihiin Kenya.

17:41 (SGA): Barack Obama: waxaan idiin damaanad qaadayaa in aan soo laaban doono mar kale anoon suud qabin

17:40 (SGA): Barack Obama: waxaan aqoonsaday walaaca laga qabo talooyinka socdaalka ee safaaraddu soo saarto

17:39 (SGA): Uhuru Kenyatta: Obama waxaa lagu xasuusan doonaa dadaalkii uu galiyay dhalinyarada Afrika

17:36 (SGA): Barack Obama: caqabadaha waxaa ka mid ah in aadan xoriyad lahayn oo aadan qaraabadaada booqan karin todobaad

17:34 (SGA): Barack Obama: madaxda xiga waxay arki doonaan waxa shaqaynaya iyo wixii aan shaqaynaynin ee aan qabanay

17:33 (SGA): Barack Obama: Guuxa diyaaraddaha ammaanka sugaya ayaa la maqlayaa, isla markaasna dul heehaabaya madaxda

17:31 (SGA): Barack Obama: Mashruuca korontada ee Afrika guul wayn ayuu soo hoyiay

17:30 (SGA): Barack Obama: Daymaha yaryari faaiido badan ayay u keenaan ganacsatada

17:28 (SGA): Barack Obama: Mashruucii uu George Bush uu kaalmada dhaqaale ku siiyay Afrika faa'ido weyn ayuu keenay.

17:28 (SGA): Weriye ayaa su'aalo weydiinaysa madaxda.

17:27 (SGA): Uhuru Kenyatta: Maraykanka waan ka faa'idnay tan iyo xilligii aan xorriyadda qaadanay.

17:26 (SGA): Uhuru Kenyatta ayaa qaatay hadalka, wuxuuna sheegay in Maraykanka uu yahay saaxib weyn.

17:22 (SGA): Obama Kenyatta: Dadka mishaarka yar qaata ee baabuurta qaaliga wata looma baahna in la baaro, oo arrintooda way iska caddahay.

17:21 (SGA): Barack Obama Mas'uuliyiinta oo dhan waa in lala xisaabtamaa haddii ay musuqmaasuq gaystaan, ma aha shaqaale yar yar oo kaliye.

Image caption Waxaa weli socda shir saxaafadeed ay isla qabanayaan Obama iyo Uhuru.

17:21 (SGA): Obama : Musumaasuqa ayaa ah caqabadda ugu weyn ee wajahaya horumarka Kenya.

17:20 (SGA): Obama : Madaxweyne Kenyatta waxaa uu sheegay inay wadaan dadaallo ay wax ku baddalayaan.

17:19 (SGA): Obama : Waa in la hubiyaa in doorashooyinka aanay sabab u noqon dhibaato iyo xasilooni darro.

17:19 (SGA): Obama : Xiriirka Kenya iyo Maraykanka wuxuu ahaa mid wanaagsan tan iyo markii aan madaxweyne noqdo.

17:18 (SGA): Weriye ayaa Obama weydiinaya in booqashadiisa Kenya ay micnaheedu tahay inuu wanaajiyo xiriirka labada dal ee horey aan u wanaagsanayn.

17:17 (SGA): Uhuru Kenyatta: Arrinta dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda muhiim uma aha dadka reer Kenya, oo waxay ka mid tahay waxyaabaha aan isku khilaafsanahay.

17:15 (SGA): Uhuru Kenyatta: Labada dal waxay wadaagaan arrimo badan oo ka mid tahay dimuqraadiyadda.

17:14 (SGA): Uhuru Kenyatta: Qeyb weyn oo ka mid ah miisaaniyadda dalka waxaa la geliyay woqooyiga dalka.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Shir saxaafadeedka ka hor Obama waxaa uu ubax dhigay halkii ay ku taallay safaaraddii hore ee Maraykanka ee la qarxiyay.

17:13 (SGA): Uhuru Kenyatta: Waxaa ku dadaali doonnaa inaan takoorin bulshooyinka qaar

17:12 (SGA): Uhuru Kenyatta: Arrinta argegixisada way nagu cusubtahay, oo wax badan oo cusub ayaan baranaynaa.

17:11 (SGA): Uhuru Kenyatta: Maraykanka waxaan iska kaashan doonnaa xasilinta Soomaaliya.

17:10 (SGA): Uhuru Kenyatta: Waxaan gaarnay heshiisyo aan ku faraxsanahay oo taageero aan uga heli doonno Maraykanka.

17:09 (SGA): Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay inuu taagersan yahay waxa uu ku hadlay Madaxweyne Obama.

17:08 (SGA): Barack Obama: Waa khalad in dadka lagu taakooraa jinsigooda, ama cidda ay jecel yihiin.

17:07 (SGA): Barack Obama: Waa in dadka oo dhan isku si loola dhaqmaa, oo aan qaarkood la takoorin.

17:07 (SGA): Barack Obama: Dowladda waa in aanay cidna takoorin iyagoo eegaya jinsigooda amaba dhaqankooda.

17:06 (SGA): Barack Obama: Waa in la ixtiraamaa ururrada bulshada rayidka ee Muslimiinta.

17:05 (SGA): Barack Obama: Bulshada Muslinka qeyb ayay ka yihiin ka hortagga xagjirnimada, waana la shaqeyn doonnaa.

17:04 (SGA): Barack Obama: Ma'aha in bulshooyinka qaar loo aqoonsado argegixiso, taas waxay takooreysaa dadka nabadda jecel qaarkood.

17:03 (SGA): Barack Obama: Ciidammada Kenya waxaan siin doonnaa dhaqaale iyo tababar dheeri ah oo looga hortagayo Al-Shabaab.

17:02 (SGA): Barack Obama: Soomaaliya haatan waxaa ka jirta dowlad lagu kalsoonaan karo.

17:02 (SGA): Barack Obama: Al-Shabaab weli dhibaato ayay ka gaysan karaan, in kasta oo dhul badan laga qabsaday.

17:01 (SGA): Barack Obama: Iskaashiga la yeelanay dalalka gobolka ayaa soo koobay dhulka ay Al-Shabaab ka taliyaan.

17:00 (SGA): Obama waxaa la weydiiyay su'aal ah siday Kenya ugu taageeri doonaan la dagaalka Al-Shabaab.

16:59 (SGA):Barack Obama: Maalinta berri ah ayaan la hadli doonaa shacabka reer Kenya

16:59 (SGA): Barack Obama: Waxaan ku baaqeynaa in la xalliyo dhibaatada Burundi

16:59 (SGA): Barack Obama: Doorashada Burundi ma ahayn mid xalaal ah.

16:58 (SGA): Barack Obama: Waxaa kale oo aan ka wada hadalnay ammaanka gobolka iyo dhibaatada Burundi.

16:58 (SGA): Barack Obama: Waxaan iska kaashan doonna xakamaynta xagjirnimada.

16:57 (SGA): Barack Obama: Waxaan rabaa inaan xuso ciidammada Kenya ee naftooda u huraya la dagaallanka Al-Shabaab.

16:56 (SGA): Barack Obama: Waxaan dejin doonnaa sharciyo looga hortagayo ka ganacsiga fool maroodiga.

16:56 (SGA): Barack Obama: Waxaa loo baahan yahay inaan ka wada shaqeyno la dagaallanka musuqmaasuqa.

16:55 (SGA): Barack Obama: Kenya waxaan ka caawin doonnaa dhanka tamarta la gaarsiinaya tuulooyinka dalka halka lagu gaaro 2030.

16:53 (SGA): Barack Obama: Waxaan sii xoojin doonnaa xiriirka dhaqaale ee labada dal.

16:53 (SGA): Barack Obama: Kenya waxay leedahay saxaafad iyo bulsho rayid oo xoog badan.

16:51 (SGA): Barack Obama: waxaan ku dadaalaynaa in aan sii xoojino dimuqraadiyadda Kenya

16:50 (SGA): Obama ayaa hadalka qaatay

16:49 (SGA): Uhuru Kenyatta: hesiiyo badan ayay labada dal saxiixdeen

16:48 (SGA): Uhuru Kenyatta: waxaan ku heshiinay in aan sii hagaajino xiriirka wanaagsan ee labada dal

16:47 (SGA): Uhuru Kenyatta:Waxaan furaynaa ganacsi laga wada faaiido

16:46 (SGA): Uhuru Kenyatta: labada dal waxyaabo badan ayay wadaagaan

16:45 (SGA): Madaxwayneyaasha ayaa bilaabay in ay saxaafadda la hadlaan

Image caption Safiirka Maraykanka ayaa dibedda uga soo baxay shirka albaabada u xiran yihiin ee Obama iyo Uhuru.

1620 (SGA): Madaxweyne Obama ayaa haatan ku sugan Aqalka madaxtooyada ee Kenya.

Image caption Weriyayaasha ayaa buuxdhaafiyay Aqalka Madaxtooyada Kenya, oo shir saxaafadeed lagu qaban doono.

15:05 (SGA) dhagaystahan kale oo facebook aragtidiisa ku soo dhiibtay waxa uu yiri magacaygu waa Abdulkadir Ak, Obama wan soo dhawaynaynaa haduu wax wanaagsan ku soo kordhinayo gobalka

14:48 (SGA) Akhyaarta hawada naga xiriirtaay waxaad araadiina ku soo dhiiban kartaan faceeboganaga

14:45 (SGA) Waxaa bilawday shirkii madaxwaynaha Kenya iyo madaxwaynaha Maraykanka

14:44 (SGA) Obama booqashada Kenya kaddib waxuu sii mari doonaa Addis Ababa

14:42 (SGA): aqalka madaxtooyada waxaa ka socda diyaargarawga kulanka madaxwaynayaasha

14:35 (SGA): Obama markii uu gaaray aqalka madaxtooyada ee Kenya, 21 madfac ayaa loo riday. Axmed Xaaji Xasan oo ku sugan aqalka madaxtooyada ayaa soo geliyay muuqaalkan.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

14:23 (SGA) Obama ayaa haatan gaaray aqalka madaxtooyada ee Nairobi, waxaana loo riday 21 madfac oo lagu sharfayo.

Image caption Dadweyne ayaa ku soo xoomay goobaha la filayo in Obama uu booqdo ee magaalada Nairobi

13:51 (SGA) Madaxtooyada dalka Kenya ayaa soo dhawayn rasmi ah looga samaynayaa Barack Obama

13:47 (SGA) Obama marka uu socdaalkiisa Kenya dhameeyo waxa uu u sii doonaa dalka Itoobiya

13:42 (SGA) Kooxda Baambeyda ayaa muusik tumaya

13:32 (SGA) Laamaha ammaanka ayaa dadka nidaaminaya

13:30 (SGA) 219 ruux ayaa ku dhimatay qaraxii loo gaystay safaaradda Maraykanka ee 1998

13:28 (SGA) Waxaa la filayaa in uu ubax dhigo goobtaasi safaaradii hore

13:24 (SGA) Obama hadda ayuu gaaray Memorial Park oo ah meeshii ay ku ooli jirtay safaaradii hore ee Maraykanka ee la qarxiyay 1998

13:14 (SGA) Wali waxaa magaalada laga maqlayaa diyaaradaha hawadda heehaabaya ee ammaanka Nairobi sugaya

13:11 (SGA) Obama waxuu hadda qado u aaday safaaradda Maraykanka ee Nairobi

Image caption Cabdirisaaq Xaaji Catoosh iyo Raage Xasan oo ka shaqaynaya Iddaacadda duhurnimo.

12:55 (SGA) Hadalka Obama ee horumarinta hal abuurka ganacsiga ee haweenka ayaa aad looga hadal hayaa baraha bulshada sida Twitter-ka

12:48 (SGA) Obama waxa uu sheegay in ay malaayiin doolar ku bixin doonaan hal abuurka ganacsiga haweenka

12:38 (SGA) Madaxwaynaha Maraykank Brack Obama ayaa goor sii horaysay sheegay in haweenku ay hogaanka u hayaan hal abuurka ganacsiga adduunka

12:30 (SGA) Dadwayne ayaa ku soo xoomay goobta la filayo in uu tago madaxwayne Obama

Image caption Raggan iyo dumarkan waxay Obama ku sugayaan goobta ay ku taallay safaaraddii hore ee Maraykanka.

12:26 (SGA): Madaxweyne Obama ayaa la filayaa inuu daqiiqadaha soo socda gaaro Memorial Park oo ah halkii ay ku taallay saafaraddii Maraykanka ee hore.

Image caption Memorial Park, oo ah halkii ay ku taallay safaaraddii hore ee Maraykanka waxaa ka socda cayaar dhaqameedyo.

12:22 (SGA): Madaxweyne Obama ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qorey inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo madaxweynihii ugu horrey ee booqda dalka Kenya.

12:17 (SGA): Weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibrahim Cagayare oo jooga xarunta Qaramada Midoobay oo uu ka dhacayo shirka ayaa la hadli doona Soomaali shirka ka qeyb-galaysa.

11:42 (SGA) Madaxwayne Uhuru Kenyatta iyo Barack Obama waxay tagi doonaan Memorial Park, oo ah meeshii ay ku ooli jirtay safaaraddii maraykanka ee la qarxiyay 1998.

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama iyo madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenyatta
Image caption Nairobi oo hareeraha wadooyinka la suray booray siwaradda Obama iyo sawirada Kenyatta

11:09 (SGA) Obama shirka ayuu hadda ka dhaqaaqay

Image caption Obama iyo Kenyatta oo shirka fadhiya

11:04 (SGA) Labada madaxwayne ee Obama iyo Kenyatta ayaa su'aalo ka jawaabaya

11:03 (SGA) wali waxaa socda shirka caalamiga ah ee ganacsiga

Image caption TV-ga BBC-da si toos ah ugala soco shirka ganacsatada Afrika ee ka socda Nairobi.

10:52 (SGA) Barack Obama: Waa in la taageeraa dumarka ganacsatada ah.

10:51 (SGA) Barack Obama ayaa ka hadlaya shirka ganacsatada dunida ee ka socda magaalada Nairobi.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Obama

10:49 (SGA) Barack Obama: Ganacsiga dadka dunida ayuu mideeyaa

10:48 (SGA) Barack Obama: Waxaa jirta dhibaatooyin wajahaya dumarka iyo bulshooyinka la takooro ee Afrika.

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Obama oo dhinacyada ka fadhiyaan gabadha ay isku aabaha yihiin ee Auma Obama iyo ayaydii Sarah Obama.

10:47 (SGA) Barack Obama: Ganacsiga ayaa asal u ah in dhallinyarada ay mustaqbal yeeshaan.

10:46 (SGA) Barack Obama: Dhallinyarada haddii ay fursado waayaan waxay qeyb ka noqon karaan dhibaatooyinka jira.

10: 46 (SGA) Barack Obama: Kenya waxaa jooga dad aan ehel iyo qaraabo nahay

10:45 (SGA) Barack Obama:Aabahey waxaa uu ka soo jeedaa dalkan Kenya

10:44 (SGA) Barack Obama:Waxaan ahay madaxweynihii ugu horreeyay ee Maraykan ah ee Kenya soo boqda

10:43 (SGA) Barack Obama:Waxaan ku faraxsanahay inaan Kenya dib ugu soo laabtay.

10:42 (SGA): Madaxweyne Obama ayaa haatan u soo istaagay in uu ka hadlo shirka ganacsatada ee Nairobi

10:40 (SGA): Uhuru Kenyatta: Kenya waxay caan ku tahay dhaqamo kala duwan.

10:39 (SGA): Uhuru Kenyatta: Horumar weyn ayaa ka jira qaaradda Afrika, balse wax badanna way u dhiman yihiin.

10:37 (SGA): Uhuru Kenyatta: Hanaanka lacagta loola wadaagayo gobollada ee Kenya waxaa uu baddelay dalkani.

10:36 (SGA): Uhuru Kenyatta: Kenya waxay haatan ka soo kabsatay weerarkii Westgate ee Nairobi.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Obama

10:35 (SGA): Uhuru Kenyatta: Afrika kuma tiirsanaan karto waddamada galbeedka oo kaliye, balse sidoo kale kuma tiirsanaan karto hal gobol oo kaliye.

10:34 (SGA): Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa billaabay khudbad uu ku furayo shirka

10:31 (SGA) Madaxwaynaha dalka Kenya ayaa Furay Shirka waxaana sidoo kale gaaray halkaasi Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama

10:30 (SGA) Shirka ayaa bilawday hadda

Image caption Ammaanka waxaa sugaya diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka

10:17 (SGA): Ammaanka ayaa si gaar ah aad loogu adkeeyay xarunta uu shirku ka dhacyo ee magaalada Nairobo.

10:15 (SGA): Wadooyinka Nairobi oo looga bartay mashquul ayaa intooda badan firaaqo ah.

Image caption Mid ka mid ah wadooyinka Nairobi oo maran