Eritrea oo QM ka codsatay baaritaan

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dadka ka tahriibay Eritrea ee yimid Yurub.

Eritrea ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay inay baaraan tahriibka dadkooda. Tiro badan oo reer Eritrea ah ayaa ka tagta dalka sanad kastsa, waxayna in badan oo ka mid ah dadkaasi siiyaan lacag kuwa dadka sida sharci darada doomaha ugu geeya Yurub.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayey Eritrea ku sheegtay inay tani tahay isku day lagu wiiqayo awoodeeda dadka. Waxay ku eedeysay xubno aan la magacaabin oo ka tirsan Golaha Ammaanka inay ku lug leeyihiin wax ay ugu yeertay dambi caalami ah oo qorsheysan.

Bishii tagtay ayey warbixin Qaramada Midoobay ku eedeysay madaxda Eritrea adag, oo ku qasabtay boqolaal kun inay dalka ka qaxaan.