Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sugida ammaanka Nairobi

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya si rasmi ah uga furmay Shirweynaha Caalamiga ah ee Hal-abuurka Ganacsiga.

Shirka ka hor ayaa dowladda Kenya waxa ay caasimadda u soo daadgureysay in ka badan 10 kun oo cidammada ammaanka ah.

Waxaa la xiray inta badan waddooyinka waa weyn ee magaalada, iyadoo uu yaraaday guud ahaan isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Weriyaha BBCda Cabdifitaax Ibraahim Cagayare , oo shirkaas inooga soo warramayay ayaa warbixin inooga diyaariyay safarka uu u galay inuu ku tago xarunta uu shirka ka dhacayay.