Xildhibaan lagu dilay Muqdisho

Image caption Weerarada Alshabaab ayaa kordhay bilihii ugu danbeeyay.

Xildhibaan Cabdulaahi Xuseen Moxamuud Bantu, ayaa lagu dilay degmada wadajir ee gobolka Banaadir

Baabuur uu saarnaa ayaa lagu dilay isaga iyo nin kale, darawalkiina waa dhaawac. Xildhibaanka ayaa kii ugu danbeeyay ee lagu dilo Muqdisho, iyadoo dhowr xildhibaan la dilay sanadkan.

Subaxnimadii ayaa la dilay nin kale oo ka shaqeeya xafiiska Ra'iisalwasaaraha. Alshabaab ayaa sheegatay inay ka danbaysay dilka.

Dilkan ayaa yimid iyadoo ay socdaan weerar lagula jiro Alshabaab gobolada Bay iyo Gedo. Sida ay sheegeen dadka deegaan Helikobtarada Itoobiya ayaa burburiyay laba baauur oo rayad ah, iyadoo ay ku dhinteen ilaa toban qof. Dadka ayaa u socday Buurhakaba, iyagoo ka imaaday Labaatan Jirow.