Tunisia: Sharciga cusub ee argagixisada

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Xeebta Sousse ee dhawaan lagu weeraray dalxiisayaal.

Baarlamaanka Tunisia ayaa ansixiyay sharci cusub oo looga hortagayo argagixisada taas oo wax ka qaban doonto qatarta mintidiinta.

Sharciga cusub, ayaa ka danbeeyay labadii weerar ee ugu danbeeyay ee ka dhacay xeebta dalxiiska ee Sousse, iyo matxafka Bardo ee magaalo madaxda Tunis.

Sharcigan cusub, qofkii argagixiso lagu helo ayaa waxaa lagu xukumi doonaa dil, qofkii taageersan argagixisada xabsi ayaa la galin doonaa.

Sharciga ayaa sidoo kale u sahli doona baarayaasha inay dhagaystaan telefoonada laga shakiyo.

Kooxaha xuquuuqda dadka ayaa dhaleeceeyay sharciga inuu yahay mid aad u adag.