Turkiga oo duqeeyay ururka la baxay IS

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ciidammada Turkiga oo ilaalinaya soohdinta ay la wadaagaan Suuriya

Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ayaa sii waday duqeymaha ay ka beegsanayaan xooggaga isku magacaabay Khilaafada Islaamka ee ka dagaallama Suuriya iyo waqooyiga Ciraaq.

Turkiga ayaa sidoo kale duqeeyay saldhigyo ay leedahay jabhadda gooni u goosadka Kurdiyiinta ah, ee loo yaqaano PKK, ee ka howlgasha Ciraaq.

Duulaanka ayaa ka dhashay weerarkii todobaadkan lagu qaaday magaalada Suruc, kaasoo ay ku dhinteen 32 Turkiyiin ah.

Waa markii ugu horeysay ee Turkiga uu weerarro Kurdiyiinta waqooyiga Ciraaq, tan iyo markii ay xukuumadda Ankara shaaciyay xabbad joojintii ay PKK la gaartay sanadkii 2013.

Jabhadda PKK ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarro maalmihii lasoo dhaafay lagu qaaday ciidammada ammaanka ee Turkiga.