Obama oo ka ambabaxay Kenya: halkan kala soco dhaqdhaqaaqiisii maanta

Image caption Khudbadda Obama wuxuu diiradda ku saaray musumaasuqa iyo xuquuqda aadanaha.

Halkan kala soco dhaqdhaqaaqa Obama ee saacadihii ugu dambeeya ee booqashadiisa Kenya, isaga oo khudbad u jeediyay kumanaan dadweynaha reer Kenya ah.

15:25 (SGA) Obama waxaa uu u ambabaxay dalka Itoobiya, halkaas oo uu khudbad ka jeedin xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

16:15 (SGA) Diyaaraddii uu la socday madaxwayne Obama ee Air Force One hadda ayay kacaysaa.

16:15 (SGA) Obama diyaaraddii ayuu galay albaabadii ayaana loo xiray

16:14 (SGA) Obama Madaxdii kale ee Kenyanka ahayd ayuu haddana macsalaamaynayaa oo uu salaamayaa

16:13 (SGA) Obama waxa uu ka soo dagay diyaaradda uu magaalada gudaheeda ka soo raacay, waxuuna salaamayaa Madaxwayne Kenyatta

16:10 (SGA) qorshuhu waxa uu ahaa in madaxwayne Obama uu garoonka ka duulo 16:10 oo hadda la jogo laakiin wali ma dhicin taasi

16:07 (SGA) madaxwayne Obama waxaa diyaaradihiisa la socday wariyayaal badan, haddana waxay u raaci doonaan magaalada Addis Ababa

16:03 (SGA) Obama waxa uu garoonka ku yimid diyaarad

16:02 (SGA) Madaxwaynuhu waxa uu ka duulidoonaa Nairobi daqiiqado kaddib

16:00 (SGA) Diyaarado badaan ayaa dul heehaabaya garoonka

Obama waxuu khudbad ka jeedin doonaa xarunta Midawga Afrika ee Addis Ababa

Obama iyo Kenyatta waxa ay bari ku kulmidoonaan magaalada Addis Ababa

Obama Marka uu Addis Ababa tago waxaa la filayaa in uu ka hadlo dhibaatadda ka taagan dalka Suudaanta Koonfureed.

Madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sagootin doona Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama

Waxaa la goglay roogii casaa ee madaxda loo dhigi jiray

Garoonka Diyaaradaha waxaa dul heehaabaya diyaaradaha qumaatiga u kaca

Garoonka waxaa soo galay kooxaha hidaha iyo dhaqanka oo dhar kala duwan qaba

Garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ayaa ammaankiisa aad loo adkaynayaa, iyada oo uu goor dhaw ka bixi doono madaxwaynaha Maraykanku ka duuli doono

Madaxwaynaha Barack Obama waxaa lagu wadaa in uu goor dhaw u baxo dalka Itoobiya

14:57 (SGA) Madaxwayne Obama hadda ayuu ka baxay goobtii uu ka socday shirka uu la lahaa bulshada rayidka ah

14:57 (SGA) Obama Bulshada rayidka ah ah ayuu salaamayaa oo sawiro la galayaa

14:56 (SGA) Obama waxa soo gabogabeeyay kulankii uu la lahaa madaxda bulshada rayidka ah, aad ayuuna ugu mahadceliyay

14:32 (SGA) SUPKEM: Kuwa jaamacadda Gaarisa weeraray ama Mandera waxay rabaan in ay kala qaybiyaan dadka

14:28 (SGA) Waxaa hadda hadlaya mid ka mid ah madaxda muslimiinta Kenya ee SUPKEM loo yaqaano

14:27 (SGA) Barack Obama: in lala dagaalamo argagixisada waxay u baahantahay in lahaysto booliis iyo millitari, sidoo kalana waxay u baahantahay in la kastabado quluubta dadka

14:26 (SGA) Barack Obama: Waxa uu amaanay bulshada rayidka ah

14:13 (SGA) Gabadh ka socota hay'add daryeesha maroodiga ayaa hadlaysa, waxay sheegtay in ay hoos u dhacday ugaadhsiga Maroodiga, waxa ay sheegtay in caruurta Afrikaanka ah aysan arki doonin Maroodiyo ahadii aan hadda wax laga qabanin ganacsiga fool maroodiga ee sharcidarada ah

14:11 (SGA) Ururada Bulshada rayidka ah mid ka mid ah oo hadlay ayaa dalka Maraykanka iyo Madaxwaynahaba u mahadceliyay

14:10 (SGA) Obama waxa uu la hadlayaa mid ka mid ah ururada bulshada rayidka ah

14:06 (SGA) Barack Obama: Waa in la is dhagaystaa ee aan la siku qaylyin, taas ayaana mustaqbal wanaagsan abuuri karta

14:05 (SGA) Barack Obama: Dadka uu la hadlayo waxaa ka mid ah arday yaryar

14:04 (SGA) Barack Obama: Kenya waxay leedahay dastuur jaanis siinaya dadka

14:04 (SGA) Barack Obama: Dimuqraadiyaddu kuma eka doorashada oo kali ah

14:03 (SGA) Obama wuxuu khudbad u jeedniyaa madaxda ururada bulshada

14:00 (SGA) Obama waxa uu hadda joogaa jaamacadda Kenyatta ee magaalada Nairobi

Obama ayaa madaxda mucaaradka kala hadlay sidii loo sii xoojin lagaa dimuqraadiyadda dalka kenya.

Goor sii horreysay Obama waxaa uu la kulmay madaxda mucaaradka dalka Kenya.

Lahaanshaha sawirka b
Image caption Jaamacadda Kenyatta ayaa diyaargarow weyn ugu jirta qaabilaadda Obama
Image caption Booqashada Obama ayaa sabab u ahayd in la nadiifiyo waddooyinka Nairobi, balse Islii weli qashinkii ayaa waddooyinka yaalla.

Hadalka Obama u jeedin doono bulshada rayidka waxaa la filayaa in sidoo kale diiradda uu ku saaro xuquuqda aadanaha.

Image caption Obama ayaa lagu qaabilay Aqalka Madaxtooyada Kenya maalin ka hor

Obama ayaa la filayaa in uu booqdo jaamacadda Kenyatta, halkaas oo uu kula hadli doono bulshada rayidka.

12:45 (SGA) wuu dhameeyay salaantii maro madaw ayuuna dhanka dambe ka maray

12:44 (SGA) dadka ayuu wali salaamayaa

12:43 (SGA) dadka shacabka ah ee ka ag dhaw meesha uu marayo ayuu salaamayaa

12:42 (SGA) Barack Obama: Khudbadii wuu dhameeyay dadka ayuuna u mahadceliyay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Obama waxaa uu casho la qaatay walaashii Auma iyo ayaydii Sarah Obama.

12:42 (SGA) Barack Obama: Hadda ayaa la joogaa wakhtigii aan dadaali lahayn ee aan wax qabsanlahayn

12:41 (SGA) Barack Obama: Gabadh Jamiilo Cismaan la dhaho ayaa ka mid ah dadka rajada igaliyay ee dadka wax taraya

12:39 (SGA) Barack Obama: rajo wanaagsan ayaan qabaa

12:39 (SGA) Barack Obama: hal dad ayaan isku nahay xataa hadaan kala wax aaminsanahay

12:38 (SGA) Barack Obama: Kenya horaybay u socotaa, Afrika horay bay u socotaa, dhalinyarada ayaana qayb ka ah

12:37 (SGA) Barack Obama: ma aha in dadka qabiil ama diin lagu kala qaybiyo, waa in la eegaa wax qabadkooda

12:36 (SGA) Barack Obama: dadka tiradda yar horumarka ayay gacan ka gaystaan.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madaxwaynaha Maraykanka Obama aad ayaa loo soo dhaweeyay,

12:35 (SGA) Barack Obama: Waa inaan ka hortagnaa iskudayga lagu doonayo in argagixisadu ina kala qaybiso

12:34 (SGA) Barack Obama: Sida Kenya halis ugala kulmayso Alshabaab ayay Maraykankuna halis uga kulmayaan argagixisada

12:33 (SGA) Barack Obama: Kenya waxaan uga mahad celinaynaa oon ku taageeraynaa ladagaalanka argagixisada

12:32 (SGA) Barack Obama: Kenya guul ma gaarayso haday haweenka gacan bidixayso

12:32 (SGA) Barack Obama: Bulshooyinka haweenka waxbara ee u dadaala durba way hor maraan ammaan way ku nool yihiin

12:31 (SGA) Barack Obama: Guurka gabdhgaha yaryar ma aha mid la jaanqaadi kara qarnigan

12:30 (SGA) Barack Obama: dood dheer kaddib calinkii meesha waa laga saaray, taas macnaheedu waxay tahay in taariikhdaadu aysan dib kuu ridin

12:29 (SGA) Barack Obama:dhawaan waxaa maraykanka ka taagnayd dood ku saabsanayd in meesha laga saaro calan sanado badan u taagnaa astaanta adoonsiga

12:27 (SGA) Barack Obama: Wadan walba dhaqan u gaar ah ayuu leeyahay

12:26 (SGA) Barack Obama: Waxaan xoojinayna oon kobcinaynaa dhalinyarada Afrika, waxayna astaan u yihiin horumarka qarnigan

12:25 (SGA) Barack Obama: Maraykanku waxuu Kenya la garab taaganyahay taageero gaar ahaan dhinaca maalgashiyaga iyo kobcinta hal abuurka dhalinyarada Afrika

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Obama

12:24 (SGA) Barack Obama: waxaa muhiim ah in musuqmaasuqa madaxda sare lala dagaalamo

12:23 (SGA) Barack Obama: Waxaa la gaaray wakhtigii Kenya isbadal laga samayn lahaa, meeshana looga saari lahaa dhibaatada musuqmaasuqa

12:23 (SGA) Barack Obama: Musuqmaasuqu Kenya kali ah kuma eka, laakiin waxaa loo baahanyahay in la qaado talabooyin xoog badan oo wax lagaga qabanayo.

12:22 (SGA) Barack Obama: Dimuqraadiyaddu dadka kama wada farxiso.

12:21 (SGA) Barack Obama: Dimuqraadiyaddu kuma eka doorashada oo kali ah ee waa in ay ahaataa doorasho nabad ah

12:20 (SGA) Barack Obama: waa inaan kala duwanaanshaheena aan u aragnaa in aan ka faaiidaysano sida Maraykanka

12:19 (SGA) Barack Obama: Markaste ma guulaysan kartid laakiin waa in aad sii wadaa isku dayga

12:18 (SGA) Barack Obama: waxaa la rabaa dimuqraadiyad iyo horumar laga wada faaiidaysto

12:16 (SGA) Barack Obama: waad ogtihiin dhibaatada ay dalkan ku hayso argagixisadu, sida dhibaatadii safaaraddanada iyo dhibkii Gaarisa

12:15 (SGA) Barack Obama: waxaan doonayaa in aan sicad u sheego in siyaasad qabiil ku dhisan ay wadanka kala qaybin

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka reer Kenya ayaa waddooyinka taaganaa si ay u soo dhaweeyaan Obama

12:14 (SGA) Barack Obama: Daraasad ayaa tilmaamaysa in Musuqmaasuqa ay sanadkiiba ku lunto 250 kun oo shaqo

12:12 (SGA) Barack Obama: Kenya waxay leedahay warbaahin xor ah iyo bulsho rayid oo awood leh

12:11 (SGA) Barack Obama: Kenya waxay dooratay inay horey u socoto, oo ay mid ahaato.

12:10 (SGA) Barack Obama: Kenya waxay ka gudubtay nacaybkii hore, oo waxayna yeelatay dastuur cusub.

12:09 (SGA) Barack Obama: Waa inaan wax ka barano taariikhdeena.

12:08 (SGA) Barack Obama: Waxaan ku faransanahay inaan noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Maraykan ah ee Kenya ka soo jeeda.

12:07 (SGA) Barack Obama: Booqashadii iigu horreysay ee Kenya aan ku imid magaca aabahay ayaa laigu aqoonsaday.

12:06 (SGA) Barack Obama waxaa uu ka sheekeynayaa qoyska iyo qaraabada uu ku leeyahay dalka Kenya.

Image caption Kumanaan ayaa dhagaysanayo khudbadda Obama ee garoonka Kasarani.

12:05 (SGA) Barack Obama: Markii ugu horreysay ee dalkan yimid, waxaan bartay tuulada uu aabahay ku dhashay.

12:03 (SGA) Barack Obama: Markii ugu horrey ee aan soo booqdey qaarabnayda Kenya, waxaa laigu soo dhaweeyay gaari duq ah oo dhaxda nooga jabay.

12:02 (SGA) Barack Obama: Waxaan ku faraxsanahay inaan noqdo madaxweynihii ugu horrey ee Maraykank ahaa ee dalkan yimaado.

12:00 (SGA) Amua ayaa soo dhawaysay walaalkeeed Barack Obam aad ayaana loogu sacabeeyay

11:58 (SGA) Auma waxa ay dadka u sharxaysaa walaalkeed Obama

11:54 (SGA) Obama walaashii Auma ayaa hadda la hadlaysa dadka Kenyanka ah

11:52 (SGA) Mawliid Cabdlaahi Sh Ada oo Facebook araadiisa ku soo dhiibtay waxa uu yiri, Waxaan hanbalyo udirayaa madaxwaynaha uhuuro kinyata sababto ah

waxaan la dhacay qudbadii uu soojeediyay iyo qodobkii lamatabtanka ahaa ee xaga xoriyada uu uga dhigay mida saxda ah ee kusalaysan dhaqanka africanka aha

Image caption Madaxwaynaha Kenya oo hadda garoonka fariistay

11:49 (SGA) dhagaystayaashu waxay araadooda noogu soo gudbin karaan faceebook

11:48 (SGA) waxa la sugayaaba waa in uu soo galo madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama

11:46 (SGA) Garoonka oo dhan ayaa looga istaagay oo looga sacabo tumay madaxwaynaha Kenya

11:45 (SGA) Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hadda soogalay garoonka

11:43 (SGA) Madaxwayne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa gaaray goobta shirku ka dhacayo

11:37 (SGA) Garoonka uu Obama maanta ka khudbaynayo waa kii aadka loogu xirxiray sanadkii hore Soomaalida Nairbo ku sugan

11:33 (SGA) Marka ay khudbadu bilaabato si toos ah ayaan halkan idiin kaga soo gudbinaynaa

11:28 (SGA) Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Kenya Aamina Maxamad ayaa iyadana garoonka joogta

11:19 (SGA) Wufuud Kenyan ah ayaa gaaray gobta uu Obama ka Khudbadaynayo, waxaana ka mid ah afhayeenka Baarlamaanka Kenya

11:18 (SGA) Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu goor dhaw gaaro garoonka uu khudbadda ka jedinayo madaxwayne Obama

11:17 (SGA) Obama waxa uu noqondoonaa madaxwaynihii u horeeyay ee Maraykan ah ee isaga oo xial haya Khudbad u jeediya Midawga Afrika

11:16 (SGA) Obama waxa uu Itoobiya khudbad ugu jeedin doonaa Midawga Afrika

11:15 (SGA) Obama galinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in uu u ambabaxo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

11:14 (SGA) Garoonka ayay dadku ka buuxaan iyaga o aad u nidaamsan

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption qaar ka mid ah wadooyinka baabuurtu maraan ama hareeraheeda ayaa lagu arkayaa diyaarada qumaatiga u kaca oo fadhiya ama dagaya

11:010 (SGA) Baabuur madmadaw ayaa ku sii socda garoonka

11:08 (SGA) Wali waxaa Nairobi inteeda badan laga maqlayaa guuxa diyaaradaha

Image caption Ammaanka ayaa aad loo sugayaa

11:05 (SGA) Xataa dadka la casuumay hadda wixii ka dambeeya looma ogala in ay gudaha u galaan garoonka

11:02 (SGA) dadka ayaa aamusan oo sugaya khudbadda madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama

11:01 (SGA) kooxaha muusiga ayaa wali sii wada maaweelada

11:00 (SGA) Hadda waxaan toos u bilaabaynaa wararkii ku saabsanaa khudbadda madaxwaynaha Maraykanka ee Obama

Kooxaha muusiga ayaa dadka maaweelinaya, kahor khudbadda madaxwaynaha

Madaxwayne Obama waxaa lagu wadaa in uu khudbadiisa diiradda ku saaro ammaanka, xuquuqda aadanaha, dawladd wanaaga iyo dhiiganacsiga

Khudbadda ayaa lagu wadaa in ay bilaabato 11:00 (SGA)

Khudbadda madaxwaynaha waxaa lagu casuumay shan kun oo ruux

Image caption dadka ayaa safaf ku jira si ay u galaan garoonka uu khudbadda ka jeedinayo Obama

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay

Madaxwaynaha dalka Maraykanka ayaa goordhaw khudbad ka jeedinaya garoonka ciyaaraha Kasrani oo Nairobi ku yaala

Image caption Qaar ka mid ah dadka uu khudbada u jeedinayo Obama