Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho

Lahaanshaha sawirka
Image caption Burbur weyn ayaa soo gaaray hoteel Jazeera

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhimatay qarax weyn oo ka dhacay hoteel-ka Jazirah ee magaalaga Muqdisho.

Qarax ayaa la sheegayaa in loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Wararka laga helayo Hotelka ayaa tilmaamaya in gaariga uu ku qarxay banaanka kore,

Wararka hordhaca waxay sheegayaan inay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaasi.