Obama: Kenya hala dagaallanto musuqa

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Madaxweyne Obama iyo dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ugu baaqay dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta, in uu waxbadan ka qabto musuq maasuqa.

Obama oo maalintii u dambeysay booqasho ku jooga Nairobi, ayaa sheegay in musuq maasuqa uu khatar ku yahay koritaanka dalka, dowladdana looga baahan yahay in ay muujiso dagaalkeeda ka dhanka ah musuqa.

Labada hogaamiye ayaa ka wadahadlay khatarta ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.

Madaxweyne Obama ayaa la filayaa in maanta uu khudbad uu kula hadlayo shacabka Kenya ka jeediyo garoonka ciyaaraha ee Kasarani.

Waxaa sidoo kale uu kulan la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.